Sergio Busquets Oo Doonaya In Uu Ku Biiro Koox Premier League Ah.

0
242

Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Sergio Busquets ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Man City mar la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sergio Busquets ayaa xirfadiisa ciyaareed oo dhan ku qaatay kooxda Barcelona isaga oo kooxda u saftay 650 kulan kulana guulaystay kooxda 30 koob.

Si kasta ha ahaatee inkasta oo uu joogto ugu ciyaaro kooxda isaga oo 33 jir ah waliba yahay kabtanka kooxda waxa uu doonayaa in uu isaga tago kooxda.

Sida laga soo xigtay El Nacional, madaxweyne Joan Laporta ayaa diyaar u ah in uu xiddiga u ogolaado in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu Busquets diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Man City si uu mar kale ula shaqeeyo taabare Pep Guardiola xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here