Scholes oo kula taliyay Rashford inuu raaco halyeeyga kooxda Manchester United

0
263

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Halyeeyga reer England iyo kooxda Manchester United ee Paul Scholes ayaa carabka ku adkeeyay in Marcus Rashford ay qasab tahay inuu raaco wadadii Ruud van Nistelrooy.

Ruud van Nistelrooy ayaa ku ciyaaray maaliyada kooxda Manchester United 219 kulan, wuxuuna dhaliyay 150 gool, halka sidoo kale uu caawiyay 22 gool kale.

Halyeeyga reer Holland ee Nistelrooy ayaa sidoo kale kula guuleystay Red Devils koobka Premier League 2003-kii, koobka FA Cup 2004, Carabao Cup 2006, iyo FA Community Shield 2004.

Haddaba wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Halyeeyga reer England iyo kooxda Manchester United ee Paul Scholes, wuxuuna yiri:

Marcus Rashford cần học tập điều gì ở Nistelrooy

“Waxaan kula ciyaaray lambarka 10-aad Ruud van Nistelrooy muddo hal xilli ciyaareed ah, waana jecleystay, waa gooldhaliye aan naxariis laheyn, wuxuu u noolyahay si uu goolal u dhaliyo”.

“Marka uu dhaliyo ama uusan gool dhalin, waxa ugu horreeya uu sameyn jiray marka aan ku soo laabano baska kooxda ayaa waxay tahay inuu ogaado haddii uu Thierry Henry gool dhaliyay iyo in kale”.

“Haddii uu Thierry Henry gool dhaliyo, qofna ma uusan kula hadli jirin inta uu socdo baska, sababtoo ah wuxuu doonayey inuu noqdo gooldhaliyaha ugu sarreeya, kaliya ma ahan Man United laakiin horyaalka Premier League, adduunka iyo meel walba”.

“Waxaan jeclaaday sida uu Ruud van Nistelrooy u dhameystirayo weerarada, waxaan la ciyaaray weeraryahano badan, sida Dwight Yorke iyo Ole Gunnar Solskjær, way fiicnaayeen laakiin aniga ahaan Nistelrooy ayaa ugu fiicnaa”.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here