SAWIRO:Xeer Ilaaliyah Guud Qaranka Dr.Ahmed Ali Daahir Oo Baydhabo Soo Gaaray

0
408

Wafdi uu hogaaminaayo Xeer Ilaaliyah Guud Qaranka Dr.Ahmed Ali Daahir Ayaa Maanta soo gaarey Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Baay. Waxana Garoonka Diyaaraha Baydhabo Ku soo Dhaweyay Wasiiro , Xildhibaan Katirsan DGKGS. Iyo Guddomiyaha MaxkamaddaSare Ee Dowlad Goboleedka KGS. Mudane Ahmed Ali Muuse.

Soodhaweyn ka dib waxaaa loo soo galbiyay Xaruunta Madaxtooyada Koonfur galbeed Halkaasi oo ay kullan kula qaateen Guddoomiyaha Baarlamanka KG Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye , Iyagoona ay iska xog wareysteen Xalladda dalka Soomaaliya Iyo Ujeedka Maanta Baydhabo Usoo gaareen.

Dhanka Kale wafdiga Xeer Ilaaliyah qaranka Ayaa Waxaa ay Booqdeen Xaruunta Maxkamada Sare Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya , Waxana Halkaasi Ku soo dhaweyay Shaqaalaha Maxkamadda Iyo Madaxdooda qeybahooda Kala Duwan.

Waxana Uu mid mid u kormeerey Xafiisada Maxkamadda sare Ee Koonfur Galbeed.

Sido kale Xeer ilaaliyah Qaranka ayaa Waxaa Uu kormeeray Xabsiga Dhex Ee Magaalada Baydhabo, isagoona Xallada Xabsiga iyo Maxaabuusta Ku jirta warbixin ka siiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta KGS.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahmed Ali Muuse ayaa Baydhabo Ku soo dhaweyay Wafdi Uu Hogaaminaayo Xeer Ilaaliyaha qaranka .

Dr.Ahmed Ali Daahir ayaa ka warbixiyay Ujeedada ay usoo gaareen Magaalada Baydhabo , Isagoona sheegey In uu uyimid sidii ugu koorgali lahaa qaabka Ushaqeeyo Xabsiga Iyo Garsooka KGS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here