SAWIRO:Wasaaradda boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Dowladda KG S Oo la kulantey Shirkadaha isgaarsinta Magaalada Baydhawo.

0
339

Kulanka joogtada ahaa ee Wasaraadda Postada, Isgaarsinta iyo Tiknolojiyadda iyo Shirkadaha isgaarsinta Magaaladda baydhawo ayaa waxaa maanta Shir Gadoomiyey Wasiirka Wasaarada Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Dowladda Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Maxamed Nuur Sheikh Cade Waxaana goobjoog ka ahaa Kulanka Agaasimaha guud ee wasaarada Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Dowladda Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Ore Osmaan maxamed Qaar Kamid ah Shaqaalaha Wasaarada Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Dowladda Koonfur galbeed Soomaaliya Iyo Qaar Kamid ah Masulinta Shirkadaha isgaarsinta Magaalada Baydhawo.

Shirka oo Sacado dhowr ah qaatey ayaa Waxaa Intii uu socdey Shirka Looga hadley arimo ay ka mid yihiin
sidii lagu xoojin lahaa wada shaqeynta iyo si bulshada logu aseego si wangsan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Dowladda Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Ore Osmaan maxamed ayaa uga horeyntii U Sharaxey Ujeedka uga weyn oo maanta ay Uga yeereen Shirkadaha isgaarsinta Magaalada Baydhawo.

Masulinta Shirkadaha isgaarsinta Magaalada Baydhawo ayaa soo dhoweeyey Kulanka oo maanta La qaateen Masulinta Wasaaradda Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Dowladda Koonfur galbeed Soomaaliya waxaana uga mahadceliyeen sida wanaagsan oo Wasaarada Boostada ay diyaar uga tahay In la hoojiyo isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Koonfur galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Dowladda Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Maxamed Nuur Sheikh Cade ayaa Dhankiisa ka hadley muhiimada ay u leedahey Ka Wasaarada ahaa In ay la kulamaan Shirkadaha isgaarsinta Magaalada Baydhawo.

Kulanka Oo maanta Wasaarada Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Dowladda Koonfur galbeed Soomaaliya ay la yeatey Shirkadaha isgaarsinta Magaalada Baydhawo ayaa waxaa uu Ku soo Dhamaadey Isfaham iyo Guul.

BY: Aadan Geesey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here