SAWIRO:Maamulka Gobalka Bay iyo kan Degmada Baydhawo oo maanta Kormeerey Wadada dheer ee suuqa Qudaarta.

0
355

Gadomiyaha Maamulka Gobalka Bay iyo kan Degmada Baydhawo ayaa waxaa ay manta booqasho indha indheen ah waxaa ay ku tageen Wadada dheer ee suuqa Qudaarta ee Magaaladda baydhawo ee xarunta gobalka bay taas oo Dib udeyactir Hoogan Ka socdey.

Wadadan Oo manta ay Booqadeen Maamulka Gobalka Bay iyo kan Degmada Baydhawo ayaa waxaa dhisadeedi iska Kaashadey Ganacsatada Magaaladda baydhawo ee xarunta gobalka bay gaar ahaan Ganacsatada Magaaladda baydhawo,

Gadomiyaha Xafada berdaale ee Magaaladda baydhawo ayaa sheegey in ay ku faraxsan yihiin Dhisida Wadadan oo Bulshada Magaalada ay isku kaashadeen.

Gadoomiye Ku Xigeenka Maamulka Degmada Baydhawo Adan Ali Adan Carab ayaa sheegey in ay muhiim ah in Qof welba uu ka shaqeeyo Dhisida Degmada Baydhawo waxaana uga baaqey in ay isku tashtaan Bulshada Magaalada Baydhawo.

Gadomiyaha Maamulka Gobalka Bay Cali wardheere dooyow ayaa dhankiisa Bulshada magaalada Baydhawo Uga Baaqey in ay ka Dhisida Magaaladda baydhawo.

By:Aadan Geesey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here