SAWIRO:-Wafdi uu hogaaminaayey Duqa Degmada Baydhabo oo dib ugu soo laabtay Baydhabo

0
300

Guddoomiyaha degmada Baydhabo Hassan Macalin Ahmed biikoole oo safar shaqo ah ugu maqanaa magaalada muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa maanta Baydhabo dib ugu soo laabtey waxana garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweya mas’uliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed ,Maamulka degmada,odayaasha dhaqanka ,ururada bulshada qeybahooda kala duwan.

Soodhaweyn ka dib wafdiga ayaa loo soo galbiyay qeybta nasashada garoonka halkaasi oo ugu horeen wafdiga guddomiyaha kusoo dhaweyay guddomiye kuxigeenka degmada Baydhabo.

Hassan Macalin Ahmed biikoole oo ah Guddomiyaha degmada Baydhabo ayaa ka warbixyay safarki shaqo ugu maqana Muqdisho isagona sheegay in uu ka qeyb galey shirar kala duwan safarkiisa uu ku soo dhamaadey mid guul ah .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here