SAWIRO: Aqriso:Madaxweynaha Dowlad K/Galbeed oo dib ugu soo laabtey Magaalada Baydhabo

0
424

Safar Qaatay mudo Afar maalin ah ayuu Madaxweyne cabdicasiis Xasan maxamed lafta gareen ku tagay magaalada muqdisho ee casimada dalka waxana kulamo kala gedisan lasoo qaatay madaxda ugu saraysa dowlada federaalka soomaaliya Waxaana ay ka wada hadleen Arimaha Deeganada KG.
sido kale waxa uu daah furey Madaxweyne Cabdicasiis lafta gareen Xaflad Tawabar loogu furayey Ciidanka booliska gaarka Daraawiishta KG oo ka howgali doono gobolka shabeelaha hoose kaasi oo ka dhacay Dugsiga Tawabarka Booliska Generaal Kaahiye ee magaalada muqdisho.

Manta ayuu dib ugu soo laabtay magaalada baydhabo ee xarunta gobolka bay wafdigii uu hogaaminayey Madaxweynaha KG Iyadoona si diiran loogu soo Dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud Airport magaalada Baydhabo Gudoomiyaha Barlamanka Mudane Cabduqadir Shariif Wasiiro Xildhibaano Siyaasiyiin Saraakisha Ciidanka Qeybahooda kala Duwan iyo Boqolaal Shacab ah ayaa ka Qeybqatay So dhoweynta Wafdiga uu Hogaaminayey Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamanka Kg Mudane Cabduqaadir Shariif Shekhuna Maye ayaa Warbixin ku aadan Xaalada deeganada Kg ka siyey Madaxweynaha Maalmihii safarka ku maqnaa Waxyabihii uqabsomay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Dhankiisa u mahadceliyey Shacabka iyo Masuuliyiinta So Dhoweysay waxana uu Shegey in Safarkii Magaalada Muqdisho ugu Maqnaa uu uhaa Safar Shaqo,
Dhanka kale wuxuu alle Caafimaad uga baryey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisoow iyo inta dhaawaca ah wuxuu janadda Alle uga baryey Masuuliyiintii ku dhintey Shaqaaqadii ka Dhacday Xarunta Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here