Salah Oo Isku Qoray Taariikhda Champions League.

0
157

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa isku qoray taariikhda kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Ajax champions League.

Mohamed Salah ayaa goolasha u furay kooxdiisa kadib markii uu daqiiqadii 42-aad u dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waliba si qurux badan ugu dhaliyay goolka.

Kadib goolkaas Salah ayaa ku lug laaa 51 gool tartanka champions League isaga oo dhaliyay 39 gool sidoo kale caawiye ka noqday 12 kale.

Salah ayaa noqday xiddigii 3-aad ee taariikhda champions league ku lug lahaada 50 gool iyo wax ka badan taariikhda champions league isaga oo u ciyaaraya kooxda Premier League ah.

Mohamed Salah ayaa liiska taariikhiga ah kula biiray Halyeeyada premier League ee Ryan Giggs (69) & Thierry Henry (52).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here