Saka Oo Aamusnaantii Ka Baxay & Waxa Uu Ka Yidhi Rigoorihii Muhiimka Ahaa Ee Uu Qasaariyay

0
116

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Da’yarka garabka midig ee kooxda Arsenal ee Bukayo Saka ayaa ka hadlay rigoorihii muhiimka ahaa ee uu kooxdiisa ka lumiyay kulankii ay shalay barbardhaca 2-2 ah lasoo galeen West Ham United.

Arsenal ayaa kulankii labaad oo xidhiidh ah iska lumisay hoggaan 2-0 ah, goolal ka yimid Gabriel Jesus iyo Martin Odegaard ayay hoggaanka kaga qabteen Hammers 10kii daqiiqo ee ugu horreeyayba.

Kahor dhammaadka qaybtii hore ayuu Said Benrahma rigoore u dhaliyay kooxda martida loo ahaa balse bilawgii qaybtii dambe ayuu Bukayo lumiyay rigoore uu kulanka 3-1 kaga dhigi karayay taas oo West Ham ka caawisay in 2 daqiiqo kaddiba uu Jarrod Bowen goolka barbardhaca keeno.

Kulankaas ayaa muhiim u noqon kara xilli ciyaareedka Arsenal isagoo ku sababi kara inay horyaalka ay mudada dheer soo hoggaaminayeen u waayaan kooxda cadaadiska ku haysa ee Manchester City.

Bukayo Saka ayaa kulanka kaddib barihiisa bulshada kusoo bandhigay dareenkiisa isagoo u ballanqaaday jamaahiirta Gunners inuu samayn doono waxkasta oo awoodiisa ah si uu u saxo qaladkaas.
“Waxkasta oo natiijadu tahay anigu markasta waan aqbali doonaa masuuliyadayda, raali ahaada Gunners, waxaan samayn doonaa waxkasta oo aan awoodo si aan u saxo” ayuu yidhi Saka.

Arsenal ayaa toddobaadka dambe Southampton la ciyaari doonta xilli ay City ku mashquulayso FA Cup kahor inta aysan 26-ka bishan booqanin Etihad Stadium oo labada kooxood isku gali doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here