Safka Liverpool oo noqday kan ugu qaalisan qaaradda Yurub & Kooxaha ku soo xiga

0
356

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kaddib u kuur gelid dheer oo ay sameysay CIES Football Observatory, waxay soo saartay kooxaha ugu qaalisan qaaradda Yurub, iyadoo Liverpool hadda ay hooggaanka u hayso kooxaha heysta safafka ugu qaalisan.

Jurgen Klopp kooxdiisa ayaa noqotay tan ugu qaalisan suuqa kala iibsiga marka lala barbardhigo kooxaha shanta horyaal ugu waa weyn ee ka dhisan qaaradda Yurub, waxaana ay ka sarreeyaan kooxda ay xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay kula dagaallameysay horyaalka Premier League-ga ee Man City.

Reds oo hadda fooqa sare ka saaran horyaalka Premier League-ga, una baahan keliya laba guul si ay u hantiso horyaalka Ingiriiska markii ugu horreysay 30 sano kaddib, waxaana xiddigaheeda wadar ahaan lagu qiimeeyay inay ku fadhiyaan 1.27 bilyan oo gini.

Kaddib markii ay ku guuleysteen Champions League-ga xilli ciyaareedkii hore, awoodna ay ku qabsatay horyaalka England, kooxda Anfield ka dhisan ayaa ka sara martay kooxaha Man City, Barcelona iyo Real Madrid si ay u noqoto kooxda haysata safka ugu qaalisan Yurub.

Kooxaha horyaalka La Liga ku loollama waxaa u dhexeeya kaliya farqi 63 miyan oo gini ah.

Chelsea ayaa xajisatay booska shanaad ee kala sarreynta liiska, waxaana CIES ay ku qiimeysay kooxda Blues 917 milyan oo gini, maadaama ay soo saareen dhallinyaro wanaagsan kaddib ganaaxii suuqa xagaaga laga saaray.

Manchester United ayaa ku jirta booska lixaad ee qiimeynta CIES, halka Tottenham iyaduna ay soo gashay tobanka sare, inkastoo dhowaanahan kooxda Jose Mourinho ay daala-dhacaysay.

Kylian Mbappe oo shabakadda ay ku qiimeysay keligii 227 milyan oo gini, una aqoonsatay xiddigga ugu qaalisan xilligan kubadda cagta awgii ayay Paris Saint-Germain ku muteysatay inay iyaduna qaybta sare dhanka kooxaha kaga jirto.

Juventus ayaa sidoo kale qayb ka ah kooxaha ugu sarreeya diiwaanka kooxaha heysta safafka ugu qaalisan, balse nasiib darro kuma jirto diiwaankan koox ka ciyaarta horyaalka Jarmalka ee Bundesliga.

CIES baaristeeda iyo qiimeynteeda waxaa saldhig u ah darafyo kala duwan sida sanadaha ay heystaan ciyaartoyda, da’dooda, heerka ay qarankooda ka joogaan, habsami u socodka xirfaddooda iyo qaab ciyaareedka ay ku soo bandhigaan tartammada ay u matalayaan kooxahooda iyo qarammadooda.

Haddaba sawirkan hoose ayaad kaga bogan kartaa kala sarreynta kooxaha iyo qiimaha ay ku fadhiyaan oo lagu xisaabiyay lacagta Giniga Istarliinka:-

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here