Sadio Mane Oo Xulka Senegal Ku Hogaamiyay Koobka Africa Markii Ugu Horaysay Taariikhdooda

0
249

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xulka qaranka Senegal ayaa markii ugu horaysay ku guulaystay koobka Africa kadib markii ay rikoodhayaal kaga badiyeen xulka Masar kulan adkaa oo ay labada xul soo bandhigeen.

Kulanka ayaa ku bilowday si fiican iyada oo ay labada xulba u ciyaareen si fiican walba u adaalamyeen sidii ay u heli lahaayeen koobka.

Xulka Senegal ayaa daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta laakiin Sadio Mane ayaa ka khasaariyay fursad uu xulkiisu hogaanka ugu dhiibi lahaa.

Waxa guud ahaan ciyaarta fursado fiicnaa xulka Senegal kuwaas oo helay fursado badan laakiin ku dhibaatooday in ay wax gool ah u badalaan.

Labada xul ayaa isla gaadhay Rikoodhayaal waxana ay guushu 4/2 ku raacday xulka Senegal oo markii ugu horaysay ku guulaystay koobka Africa tariikhdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here