Sacuudiga oo Soo Saaray Go’aan Rasmi ah oo Ku Aaddan Gudashada Xajka ee Sanadkan.

0
411

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa soo saartay go’aan ay sanadkan xajka uga hakinayso dadka ka soo xajinaya dalkeeda dibaddiisa imanaya si loo xakameeyo fiditaanka feyraska Karoona.

Kaliya tiro aad u kooban oo hadda ku nool boqortooyada ayaa ka qeyb-geli doonta gudashada waajibaadka xajka ee sanadka, ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Dowladda Sacuudiga.

Tan iyo markii uu dunida ku faafay xanuunka COVID19 waxaa jirtay cabsi laga qabay in Xajka gebi ahaanba la baajiyo.

Sanadkan waxaa xajka ka qeybgalaya oo kaliya dadka ajnabiga ah ee ka ku kala abtirsada dalalka dunida balse horay u deggenaa boqortooyada Sacudiga.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in tani ay tahay habka kaliya ee ay awood ugu yeelan karaan sameynta qorshayaal ay dadku ku kala fogaynayaan, taasoo dadka ka dhigi doonta inay si nabada u cibaadaystaan.

Sacuudi Carabiya waxay diiwaangelisay 161,005 xaaladood oo cudurka Karoona ah iyo 1,307 dhimasho ah.

Xajka oo ah tiirka shanaad ee ay ku dhisantahay diinta Islaamka ayaa qof walba oo muslim ah waajib ku ah hal mar inta uu noolyahay haddii uu awood iyo caafimaad uu ku gudan karo helo.

Xajka ayaa loo aadaa magaalada Makka si ay dadku u hor istaagaan dhismaha Kabcada sharfan iyaga oo halkaa ku samaynaya cibaadooyin u gaar ah xilligaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here