Sacuudiga oo oggolaaday in hal milyan oo qof ay sanadkan xajjiyaan

0
228

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Sacuudi Carabiya ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay u oggolaan doonto hal milyan oo Muslimiin ah oo ka kala imanaya gudaha dalkaasi iyo dibaddiisaba in ay gutaan xajka sanadkan.

Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka ayaa waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah oo awooda in uu inta uu nool yahay mar xajiyo.

Caadiyan waa mid ka mid ah kulan diimeedyada ugu ballaaran dunida iyadoo ay 2019-kii ka qeybgaleen 2.5 milyan oo qof (laba milyan iyo shan boqol oo qof).

Laakin ka dib markii uu cudurka COVID-19 dillaacay sanadkii 2020-kii ayay dowladda Sacuudigu oggolaatay kaliya kun (1,000) xujeey ah in ay gutaan.

Sanadkii xigayna, waxa ay oggolaatay in ay xajjiyaan ilaa lixdan kun (60,000) oo xujey ah oo dhameystay tallaalka COVID-19 kuwaasi oo isugu jira muwaadiniinta Sacuudiga iyo dadka deggan dalkaasi iyagoo lagu soo xulayay qaab bakhtiyaanasiib ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here