Sacuudiga oo ajaanibta ka joojiyay Cumrada

0
294

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa dadka ajaanibta ah ka joojisay Cumrada, xilli uu aad u faafayo xanuunka dilaaga ah ee Corona kaasoo kasoo bilowday dalka Shiinaha.

Malaayiin Muslimiin ah ayaa sanadka oo dhan Cumro u tega magaalada barakaysan ee Maka, waxaana ay tirada dadka Cumraysana aad sare ugu kacdaa xilliyada uu soo dhaw yahay Ramadaanka.

Xayiraadda ayaa kusoo beegmaysa iyadoo muddo ka yar 60 maalmood ay ka harsan tahay xilliga bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dowladda Sacuudigu ma aanay sheegin in xayiraadda ay saameyn doonto Xajka sanadkan oo ku beegan bisha July.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here