Sacuudi Carabiya oo hawadeeda u furtay diyaaradaha Israel

0
135

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay hawadeeda u furtay dhammaan diyaaradaha, oo ay ku jiraan kuwa ka imanaya ama ku socda Israel.

Hay’adda duulista rayidka Sacuudig ayaa sheegtay in hawada dalkaasi ay isticmaali doonaan shirkaddaha soo buuxiya shuruudaha hay’adda duulista rayidka Sacuudiga.
Go’aanka ayaa waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo booqasho ay uga bilaabatay Sacuudiga, iyado oo diyaaraddiisa ay toos uga kacday Israel una tagtay Jeddah.

Diyaaradaha u socda dalka Israa’iil ayaa markii hore waqti badan iyo shidaal badan uga bixi jirtay inay gaaran dalkaasi kadib markii Sacuudiga iyo dalal ay ka xirteen hawadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here