Rwanda oo soo dhaweysay go’aanka maxkamadda UK ee la xiriira dadka magangalyo-doonka ah

0
136

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Afhayeenad ayaa sheegtay in dawladda Rwanda ay soo dhawaynayso go’aanka maxkamadda sare ee UK ee saaka – ayna “ay diyaar u tahay inay siiso magangalyo-doonka iyo muhaajiriinta fursad ay nolol cusub uga dhistaan ​​Rwanda”.

Waxay intaas ku dartay: “Tani waa tallaabo wanaagsan oo ku aaddan dadaalkeenna ah inaan gacan ka geysanno ama, xal mustaqbalka fog ah oo lagu xalliyo dhibaatada socdaalka adduunka.”

Home Office-ku waxa uu ku guulaystay tartan sharciyeed oo ka dhan ah siyaasadiisa ah in dadka magangelyo-doonka ah ee Jooga UK loo qaado Rwanda.

Go’aankan ayaa hadda waxaa ku dhawaaqay garsoorayaasha maxkamadda sare ee magaalada London.

Garsooraha maxkamada sare ayaa sheegay in go’aanka ogolaanshaha racfaanka dib loo dhigay ilaa 16ka Janaayo 2023.

Waxaa si weyn loo filayey in qofkii laga guulaysto dacwadda maanta uu racfaan qaadan doono, taasoo la micno ah in diyaaraduhu aysan si degdeg ah u duulin si ay qof magangalyo doon ah ugu qaadaan Rwanda.

Xildhibaan Caroline Lucas oo laga soo doorto deegaanka Cagaaran ayaa xukunka ku tilmaantay “Niyad jab aad u weyn”.

Rajada ay dowlada Britian qabto ayaa ah in UK ay noqon karto goob ay dadka magangalyoo doonka ka waereegaan haddiiba dadka loo diri karo Rwanda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here