Rwanda oo Dadka Nugul Ka Tallaaleysa Xanuunka Covid-19

0
302

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Rwanda ayaa billowday wajigii kowaad ee tallaalka xanuunka Covid-19 ee ay soo saartay shirkadda farsamaysa dawooyinka ee Moderna.

Tallaalkan ayaa la siinayaa dadka nugul iyo kuwa ku sugan furimaha hore ee bixiya adeeygyada caafimaadka.

Dadka ugu horreeya ee ka faa’iideysanaya tallaalka ayaa lacag la’aan ku heli doona tallaalkaas.

Wasaaradda caafimaadka Rwanda ayaa sheegtay in helitaanka dhibcaha tallaalka ay gacan ka geysanyaan hay’ado calami ah iyada oo dowladduna ay dadaal ku bixinayso sidii ay dhibco dheeri ah ku heli lahaayeen muwaadiniinteeda.

Rwanda ayaa xilligan sugaysa in ay hesho dhibco tallaal oo dhan 996,000 dhibcood ee Astra Zeneca ee ay soo saarto Pfizer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here