RW Rooble oo ku dhawaaqay inay la hadlayaan Madaxda tabashada ka qabta Arrimaha doorashooyinka

0
209

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir muhiim ah la qaatay wakiiladda iyo safiiradda Dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya  kaas oo looga hadlayey Dar-dar galinta hanaanka doorashadda dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble  ayaa caddeeyay sida ay xukuumadda uga go’an tahay qabashada doorasho nabdoon ku dhacda  isagoo mar kale ku celiyay inuu diyaar u yahay in uu la fariisto cid kasta oo cabasho ka qabta arrimaha doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha waxaa uu sheegay in xubnaha beesha Caalamka uu kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa doorashada dalka, isla markaana kulankaas uu qeyb ka aha wadatashiyada la xiriira arrimaha doorashada.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dalkaan uusan u wanaagsaneyn hadalo dalkaan dhibaao u horseedi karto, waxaana uu sheegay in cid kasta oo tabasho qabta in uu la kulmayo.

Hadalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Midowga Musharixiinta & inta badan xubnaha mucaaradka ay tabasho ka qabaan guddiyada doorashooyinka oo ay sheegeen in lag soo xulay Hay’adda NISA & Shaqaalaha dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here