Ruushka oo sheegay inay heleen talaalka cudurka COVID-19

0
269

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wasaaradda caafimaaka dalka Ruushka ayaa sheegtay, hay’adaha caafimaadka dalka Ruushka iney iisu diyaarinayaan olole tallaal oo ballaadhan oo ku saabsan Coronavirus oo bisha Oktober dalkaasi laga fulinayo.

Warbaahinta dalka Ruushka oo soo xigatay wasiirka caafimaadka Ruushka Mikhail Murashko waxay sheegeen dhakhaatiirta iyo macallimiinta in tallaalka ugu horreeya lagu billaabayo.

Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xigatay ilo wareedyo ay shaacin ayaa sheegtay in tallaalka Ruushka uu ku guuleystay si rasmi ah bishan loo ansixin doono.

Hase yeeshee, khubarada qaar waxay walaac ka muujiyeen Ruushka orodka u uugu jiro inuu noqdo dalka ugu horreeyey ee tallaaka Covid-19 soo saara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here