Ruushka oo jaray gaaska dabiiciga ah ee uu siin jiray Finland

0
204

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Shirkadda tamarta Gazprom ee Russia ee ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay joojisay gaaska dabiiciga ah ee ay siin jirtay Finland maadaama dalkaasi uusan ku iibsan lacagta ruble ee Ruushka.

Ruushka ayaa markii uu duullaanka ku qaaday dalka Ukraine 24-kii February waxa uu weydiistay “dalalka aan saaxiibada la aheyn” ee gaaska ka hela oo ay ku jiraan kuwa xubnaha ka ah Midowga Yurub in ay lacagta Ruushka ku iibsadaan.

Gazprom ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in “gabi ahaanba ay joojisay in ay gaas siiso” Finland oo shirkadda tamarta ee dowladda ee Gasum aysan ka helin lacagta ruble ilaa 20-kii May.

Gazprom ayaa sheegtay in ay 2021-kii Finland siisay 1.49 bilyan oo kuyuubik mitir (cubic metres) oo gaaska dabiiciga ah, kaasi oo u dhigan saddex meelood laba meel isticmaalka gaaska ee dalkaasi.

Laakin isticmaalka gaaska dabiiciga ah ayaa qiyaastii boqolkiiba siddeed ka ah tamarta laga isticmaalo Finland.

Finland ayaa sheegtay in ilo kale ay ka heli doonto gaaska ka dhiman gaar ahaana dhuunta Balticconnector, ee isku xirta Finland iyo Estonia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here