Ronaldo oo u sheegay Man United go’aan aan gambasho laheyn ee ku aadan mustaqbalkiisa

0
190

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Sida ay saxaafada Ingiriiska xaqiijisay maanta oo Sabti ah, xiddiga reer Portugal iyo kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo uu codsaday inuu ka tago garoonka Old Trafford xagaagan.

Ronaldo ayaa United ku soo laabtay Manchester United xagaagii hore, isaga oo kaga soo biiray Juventus, laakiin Red Devils ayaa ku guuldarreysatay inay wax koob ah ku guuleysato, waxayna ku dhammeysteen kaalinta lixaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League.

Sida laga soo xigtay wargeyska The Times, Ronaldo ayaa codsi u gudbiyay maamulka Man United, si loogu ogolaado inuu ka tago xagaagan, haddii dalab ku habboon uu yimaado.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Cristiano Ronaldo uu codsigiisa ku saleeyay rabitaankiisa ku aadan inuu ka qeyb galo Champions League inta ka harsan xirfadiisa ciyaareed.

Wargayska ayaa tilmaamay in ku soo laabashada horyaalka Italy ay dookh u tahay 37 jirka reer Portugal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here