Ronaldo Oo Farriin Muhiim Ah U Diray Ciyaartooyda United .

0
232

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Ronaldo ayaa si weyn u haminaya in uu horyaalka Ingiriiska uu la qaado United xilli ciyaareedkiisa ugu horeeya ka dib markii xagaagaan uu dib ugu soo laabtay

Ronaldo ayaa haatan ku biiray xerada tababarka United xilli durba ciyaartooyda United laga dareemayo xamaasad iyo kalsooni

Ronaldo ayaa haatana farriin u diray ciyaartooyda United isaga oo u marsiiyay laacibka ay isku qaranka yihiin ee Fernandes taasi oo ah  in ay qasab tahay in xilli ciyaareedkaan ku guuleystaan horyaalka

” Waa muhiim in aan shaqo adag qabanno waliba ku kalsoonaanno nafteena, waa in horyaalka uu inoo muuqdo” ayuu ku yiri Ronaldo fariinta uu u sii marsiiyay kubad sameeyaha United ee Fernandes

Ronaldo ayaa haataan United u xeranaya lambarka 7-aad kaasi oo looga qaaday Cavani waana lambar uu Ronaldo caan ku yahay qaran iyo koox ahaan halka Cavani loo dhiibay lambarka 21-aad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here