Romelu Lukaku Oo Kashifay Doorka Uu Ka Qaatay Ku Biirista Kai Havertz ee chelsea

0
575

Rmelu Lukaku ayaa qirtay in uu sugi kari laayahay ka garab ciyaarista xiddiga Kai Havertz kadib markii uu xiddiga reer Belguim ku biiray kooxda chelsea kadib sanado uu ka maqnaa.

Lukaku ayaa sheegay in uu door ku lahaa ku biiristii Kai Havertz ee kooxda chelsea sanad ka hor kadib markii uu xiddiga kula taliyay in uu ku biiro kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Labada xiddig ayaa isaga hor tagay quarte-Final-ka europa League sanadkii hore waxana uu Lukaku wakhtigiisa u adeegsaday in uu ku qanciyo ku biirista chelsea.

Kooxda Chelsea ayaa Haverz baanka u jabisay xagaagii hore waxana ay sida iska cad caawin ka heleen Lukaku kaas oo xiddiga ku qanciyay in uu ku biiro chelsea.

“Waxa aan la hadlay Kai Havertz markii aan kaga hor tagay Europa leaue, waxa aan u sheegay in uu ku biiro kooxda chelsea, ma ogi hadii uu xasuusto hadalkaas”ayuu Lukaku u sheegay website-ka kooxda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here