Robin van Persie Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Premier League.

0
113

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Weeraryahankii hore ee Arsenal Robin van Persie ayaa ku taageeray Gunners inay ku guuleysato Premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa xilli ciyaareedkan ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo kaliya laga badiyay 3 kulan 28 kulan oo ay ciyaartay horyaalka waxana ay 8 dhibcood ka horaysaa kooxda Man City.

Van Persie, oo sideed sano ku qaatay Emirates ayaa sheegay in ay Arsenal ku guulaysan karto horyaalka markii ugu horaysay tan ilaa 2004.

“Haddii aad eegto xilligaan, halkan waa meesha dhibci kasta muhiim tahay, waxa u dhiman dhawr kulan oo muhiim ah, hadii ay kulamadaas ka helaan 3-da dhibcood waa waxa lagu garto kooxda ku guulaysanaysa horyaalka”.

“Waxay cadeynayeen taas, laakiin kulamada ugu dambeeya ayaa mar walba ah kuwa ugu adag”.

“Dareenkeyga shaqsi ahaaneed ayaa ah inay ku guulaysan doonaan horyaalka premier League waanan ku faxi doonaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here