Riyad Mahrez oo ka hadlay wararka la xiriirinaya inuu ku biirayo kooxda Arsenal

0
308

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiddiga kooxda Manchester City ee Riyad Mahrez ayaa xaqiijiyay inuusan dooneynin inuu ka tago garoonka Etihad, waxaana uu carabka ku adkeeyay inuu doonayo in kubadda cagta uu kaga fariisto maaliyada Sky Blue.

Hadalka Riyad Mahrez ayaa wuxuu imaanayaa kaddib markii ay soo baxeen warar badan oo la xiriirinaya suurtogalnimada uu xagaagan ugu wareegayo kooxda Arsenal.

Sida uu daabacay wargeyska “The Sun” ee dalka England Riyad Mahrez ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay mustaqbalkiisa kooxda Manchester City:

“Ma jiraan wax ku saabsan mustaqbalkeyga, waxaan ku jiraa xaalad wanaagsan oo kooxda Manchester ah, waana sii joogayaa.”

“Waxaan ku dareemayaa wanaag Manchester City, mana doonayo inaan raadsado meel kale.”

“Ma aqaano wali waxa uu noqon doono go’aankeyga, laakiin waxaan ku faraxsanahay City, tanina waa kooxda aan doonayay inaan ka mid noqdo.”

“Kooxda waxay ka hadlaysaa inaan mustaqbalkeyga ciyaareed ku soo gabagabeeyo Marseille, laakiin tani maahan wax aan ka fikirayo.”

“Waxaan rabaa in xirfadeyda aan ku soo gabagabeeyo England iyo kooxda Manchester City.”

Riyad Mahrez ayaa ku guuleystay horyaalnimada Ingiriiska ee Premier League markii seddexaad ee xirfadiisa ciyaareed, 2 jeer oo Man City ah iyo 1 mar uu la qaaday Leicester City, wuxuuna kula guuleystay asxaabtiisa inay gaaraan finalka Champions League markii ugu horreysay, balse ay guuldarro kala kulmeen kooxda Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here