Rishi Sunak oo noqonaya Ra’iisul Wasaaraha cusub ee UK

0
168

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Rishi Sunak ayaa noqonaya ra’iisal wasaaraha xiga ee UK kaddib markii Penny Mordauntay daqiiqadihii ugu dambeeyay isaga hartay tartanka .

Sunak ayaa xilka kala wareegaya Liz Truss, todoba isbuuc kaddib markii ay isaga ugu adkaatay doorashadii tan ka horeysay.

Liz Truss oo hadda sii heysa xilka ra’iisal wasaaraha UK ayaa xilka iska casishay dhawaan kadib markii ay ku guuldareysatay inay wax ka qabato dhaqaalaha dalka UK.

Sunak  ayaa noqonaya Rai’sal wasaarihii ugu horeeyay oo British-Asian ah oo qabto xilka ra’iisal wasaare isagoo 42 sano jir ah, taas oo ka dhigeysa kii ugu da’ada yaraa muddo qarni ah kaddib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here