Rio Ferdinand Oo Man United U Tilmaamay Weeraryahanka Ay Tahay In Ay U Dhaqaaqdo Xagaagan.

0
234

Halyeeyga Manchester United Rio Ferdinand ayaa amaan badan u jeediyay weeraryahanka Everton Dominic Calvert-Lewin, isagoo sheegay in uu saxiix fiican u noqon doono Man United.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa xilli ciyaareedkiisii uu fiicnaa ku raaxaysanaya xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 19 gool 32 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Man United ayaa si weyn loola xidhiidhinayay weeraryahan cusub Ferdinand ayaana u sheegay kooxdiisii hore in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Dominic Calvert-Lewin.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi”Dominic Calvert-Lewin aniga ahaan waan jecelahay, waxa aan daawaday in badan sanadkan waxana uu dhibaato weyn ku yahay daafacyada mana jecla in ay ka hor tagaan”.

“Waxan u malaynayaa in uu saxiix fiican u noqon doono Man United waliba saamayn weyn ku yeelan doono kooxda”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here