Rio Ferdinand Oo Magacaabay Xiddig U Ciyaara Liverpool Oo Ka Codsaday In Uu Ka Caawiyo Ku Biiristiisa Man United

0
191

Rio Ferdinand ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Thiago Alcantara uu taleefan u diray halyeeyga Manchester United sanadkii 2013 markii uu ka tagay Barcelona isagoo rajaynayay in uu ku biiro Man United.

Man United ayaa wakhtigaas ku jirtay bilowga waji cusub iyada oo uu David Moyes ahaa tababaraha cusub ee kooxda kaas oo shaqada ka badalay Sir Alex Ferguson oo ciyaaraha ka fadhiistay.

Thiago ayaa wakhtigaas saddexley u dhaliyay xulka Spain ee U21 tartanka Yurub ee xiddigaha da’doodu tahay 21 jirada.

Isaga oo ka hadlaya barnaamijkiisa YouTube, Vibe ayuu Ferdinand Yidhi”Ka hor inta uusan Thiago ka tagin Barcelona, ​​wuu i soo wacay”.

“Waxa aan Barcelona kula ciyaaray dalka America kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah”.

“Waxa uu ka ciyaarayay No.10 waxana uu dhaliyay gool qurux badan”.

“Sidaas darteed aqoon ayaan u lahayn isaga, dhawr sano kadib Mayes ayaa tababare u noqday Man United”.

“Aqoon shaqsi ah uma lahayn Thiago, laakiin David De Gea ayaa lambarkayga siiyay”.

“Wuu ila soo xidhiidhay waxana uu igu yidhi” Rio, waxa aan jecelahay in anan ku soo biiro Man United, ma la hadali kartaa qof kooxda masuul ka ah”.

“Waxa aan la hadlay masuuliyiinta kooxda Moyes iyo Woodward, waanan u sheegay arinta”.

“Laakiin kooxdu waxa ay markaas samaysay dhawr saxiix waxana uu Thiago ii qabtay 24 saac kadib waxa uu qaatay go’aan”.

“subaxdii xigtay ayuu ila soo hadlay, waxa aan ku seexday arinta, ii soo sheeg waxa ka dhacaya Man United”.

“Waxa uu igu yidhi”Waxa aan haystaa kaliya 24 saac si aan go’aan u gaadho, hadii ale Pep Guardiola iima qaadanayo Bayern Munich”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here