Rio Ferdinand Oo Magacaabay Daafaca Ugu Fiican Premier League.

0
228

Rio Ferdinand ayaa aaminsan in daafaca Chelsea Antonio Rudiger uu ahaa daafaca dhexe ee ugu fiicnaa Premier League tan iyo markii uu Thomas Tuchel yimid kooxda xilli ciyaareedkii hore.

Rudiger ayaa ka mid ah kooxda cheslea ee ku bilaabatay premier League 4 guul iyo hal bar-baro isaga oo dhamaan ku bilowday kulanmada horyaalka kaliyana laga dhaliyay hal gool ilaa haatan.

Inkasta oo ay chelsea haysato xiddigo badan oo daafaca ah sida Trevoh Chalobah, Cesar Azpiliqueta, Andreas Christensen, Reece James & Thiago Silva hadana Rudiger ayaa ahaa xiddiga muhiimka u ah chelsea.

Ferdinand ayaa rumaysan in Rudiger iyo daafaca dambeedka dhexe ee Manchester City Ruben Dias ay ahaayeen difaacyadii ugu fiicnaa Premier League intii lagu jiray sanadkii la soo dhaafay, laakiin saamaynta uu xiddiga reer Germany ku leeyahay saaxiibadiis ay ka dhigayso daafaca ugu fiican horyaalka.

“Tan ilaa markii uu Tuchel yimid waxan u malaynayaa in ay daafacyada dhexe ee ugu fiican ahaayeen Rudiger iyo Dias laakiin saamaynta uu Rudiger ku leeyahay kooxdiisa ayaa ah mid weyn kana dhigaysa daafaca ugu fiican premier League”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here