Rio Ferdinand Oo Amaanay Xiddig Man United Ah Kadib Guushii Everton.

0
234

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Halyeeyga Manchester United Rio Ferdinand ayaa amaanay Bruno Fernandes ka dib markii Red Devils ’ay 3-1 kaga badisay Everton sabtidii.

Xiddiga reer Portugal ayaa labo gool ka dhaliyay Goodison Park si uu kooxdiisa ugu horseedo guul muhiim ah.

Waxana uu tababarihiisa Ole Gunnar Solskjaer ka qaaday cadaadiska saarnaa kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigtay kooxdu.

Ferdinand oo falanqeeye ka ahaa BT Sport ayaa amaanay qaab ciyaareedka xiddiga 26 jirka ah ee kulankii Everton.

“Man United & Ole waxa ay ku jireen cadaadis laakiin waxa ay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah markii ay u baahnaayeen maantana waxa ay ahayd maalin ka mid ah maalmahaas”ayuu Ferdinand u sheegay BT Sport.

“Fernandes Waxa uu dhaliyay 2 gool sidoo kale waxa uu caawiye ka noqday 2 kale, waxana uu ku jiray qaab ciyaareed cajiib ah, Ole waa in uu u mahad celiyo”ayuu sii raaciyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here