Rikoodho Badan Oo Ay Arsenal Jabisay Kulankii Ay Xasuuqday Lens

0
77

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Arsenal ayaa jabisay rikooro badan oo Champions League ah ka dib markii ay 6-0 ku xasuuqday kooxda Lens kulan ka dhacay Emirates Stadium si ay u xaqiijistaan ​​booskooda wareega 16ka ee Group B.

Gunners ayaa kulanka gashay iyaga oo u baahan kaliya hal dhibic si ay ugu gudbaan wareega 16-ka tartanka champions League.

Si kasta ha ahaatee kooxda Mikel Arteta ayaa gaadhay guul raaxo leh iyaga oo ay goolal Kai Havertz, Gabriel Jesus, Bukayo Saka & Gabriel Martinelli iyo Jorginho

Arsenal ayaa 4 gool ku dhalisay 27 daqiiqo waana kooxda ugu dhakhasaha badan ee reer England ah ee 4 gool ka dhalisa champions League iygaa oo bar-bareeyay Man United oo rikoodhkaas dhigtay November 1998.

Sidoo kale kooxda Arsenal ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee reer England ah ee dhalisa 5 gool champions League ka hor dhamaadka qaybta hore ee ciyaarta.

Intaa waxaa dheer, Gunners ayaa ah kooxdii ugu horeysay ee reer Yurub ah ee ay gool u dhaliyaan 5 xiddig oo kala duwan qaybta hore ee ciyaarta.

Guusha 6/0 ah ee ay Arsenal gaadhay ayaa la macno ah guusha ugu weyn ee ay koox reer England ah ka gaadho koox kale oo reer France ah taariikhda champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here