Riccardo Calafiori Oo Dhaawac Halis Ah Ka Soo Gaadhay Waajibaadka Xulkiisa.

0
35

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Riccardo Calafiori ayaa u muuqday mid uu soo gaadhay dhaawac halis ah kulankii uu xulka Italy ka badiyay xulka France kulan ka tirsanaa tartanka Nations League.

Kulan ka dhacay Paris ayuu xiddiga reer Italy ka qayb qaatay kulankii uu xulkiisa Italy ka badiyay xulka France.

Riccardo Calafiori ayaa ku bilowday ciyaarta laakiin waxa uu dhaawac ka soo gaadhay kuraanta.

Xiddiga xagaaga ku soo biiray Arsenal ayaa u muuqday mid xanuun xoogan dareemaya waxana uu wal-wal ku abuuray Arsenal.

Xiddiga ayaa ciyaarta laga saaray kadib markii uu sii wadan kari waayay waxana haatan laga war sugayaa warbixinta xaalada dhaawaca xiddiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here