Reer Bangladesh oo Isaga Cararaya Caasimaddooda Xayiraadaha Covid-19 Awgood

0
254

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Badi Dadweynaha ku nool magaalada Dhaka ee caasimadda Bangladesh ayaa isaga baxaya magaaladas iyaga oo ka baxsanaya xayiraadda xanuunka Covid-19 ee magaaladaas dhawaan la saari doono.

Toddobo maalmood oo ka billaabanaysa Isniinta berri ah ayaa dhammaan dadweynaha dalkaas lagu soo rogi doonaa bandow adag oo u diiday in aanay guryahooda ka soo bixin ilaa xaalad deg deg ah maahee. Sidaa awgeed dadweynaha magaalada ayaa doorbidaya in ay ka baxaan magaalada iyaga oo aadaya tuulooyinkooda.

Dalka Bangladesh waxaa ku sii laba lixaadsanaya xanuunka Covid-19 kaas oo badankii loo xaglinayo Delta oo dhawaan ka dillaacay Hindiyada la deriska ah.

Jimcihii ayaa dalkaas laga diiwaangeliyay 5,869 kiis oo cusub oo ah xanuunka Covid-19 halka 108 kalena ay isla maalintaas u geeriyoodeen xanuunkaas.

Isbitaallada ayaa badankood la ciirciiraya bukaannada gaar ahaan kuwa ku yaalla xuduudda dalkaas uu la wadaago Hindiya.

Tirada dadka uu xanuunka soo ridanayo oo sii badatay awgeed ayay dowladda xayirtay socodka tareennada iyo basaska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here