Real Madrid Oo Xiddig Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Badalka Ramos & Varane.

0
428

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fikirayso in ay qaab xor ah kula soo wareegto daafaca dhexe ee David Luiz kaas oo xor ah kadib markii uu ka tagay kooxda Arsenal.

Los Blancos ayaa iska fasaxday xiddigaha Sergio Ramos iyo Raphael Varane kuwaas oo ku kala biiray kooxaha PSG iyo Man United suuqa xagaagan.

Kooxda Real Madrid ayaa dhankooda xor kula soo saxiixatay David Alaba laakiin kooxda ayaa la sheegayaa in ay todobaadyada soo socda ka fiirsanayso saxiixa daafac dhexe oo cusub.

Wargayska Defence Central ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso saxiixa xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee David Luis.

Wararka ayaa sheegaya in khibrada Luiz soo jiidanayso Kooxda Real Madrid iyo waliba in ayan xiddiga wax lacag ah ka bixin doonin saxiixiisa.

Xiddiga 34 jirka ah ayaa noqon doona badal fiican oo booxin kara xiddigaha ka tagay kooxda hadii uu tababare Ancelotti u baahdo ama ay ka dhaawacmaan xiddigaha kale ee daafaca uga ciyaara kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here