Real Madrid oo u gudubtay wareega Afarta ee Champions League

0
220

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Real Madrid oo u gudubtay wareega Afarta ee tartanka Champions League inkastoo ay guuldarro 2-3 kala kulantay Chelsea oo marti ugu ahayd garoonka Santiago Bernabéu, bale Los Blancos oo ku soo adkaatay 1-3 ciyaartii lugta hore ayaa waxay cel celis ahaan ku soo baxday 5-4.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Chelsea

Daqiiqadii 15-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Mason Mount, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Timo Werner.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

51 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Antonio RĂĽdiger oo caawin ka helay saaxiibkiis Mason Mount ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineyay kooxda Chelsea.

Timo Werner oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Mateo Kovačić ayaa daqiiqadii 75-aad wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta ee Chelsea.

Laakiin 80 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Real Madrid ayaa dhalisay gool iyadoo uu 1-3 ka dhigay dheesha Rodrygo, waxaana goolkan caawintiisa lahaa Luka Modrić.

90-ka daqiiqo ee ciyaarta loogu talagalay ayaa waxay ku dhammaatay 1-3, waxaana loo baahday in lagu darro 30 daqiiqo dheeri ah si labada kooxood look ala saarro.

Daqiiqadii 96-aad Real Madrid ayaa dhalisay gool waxaana 2-3 ka dhigay ciyaarta Karim Benzema kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis VinĂ­cius JĂşnior.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-3 ay kaga soo adkaatay Chelsea kooxda Real Madrid oo ay ku booqatay Santiago Bernabéu, laakiin Los Blancos ayaa iska xaadirisaya wareega Afarta ee Champions League maadaama kulankii lugta hore ay ku soo adkaatay 1-3, waxayna cel celis ahaan ku soo baxday 5-4.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here