Real Madrid Oo Tartan Adag Kala Kulmaysa Baacsiga Ay Ugu Jirto Haaland.

0
310

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxaha Real Madrid & Paris Saint-Germain Ayaa dhawr wax isku raacay dhawr jeer wakhtigii la soo dhaafay haatana waxa ay wadaagaan fikrad fiican oo ah sida uu da’yarka Erling Braut Haaland u fiican yahay.

Kooxda PSG ayaa qorshanaysa in ay Real Madrid kula tartanto saxiixa xiddiga da’yarka ah sidii ay horay ugula tartantay uguna garaacday saxiixa xiddiga Kylian Mbappe,

Kooxaha RealMadrid iyo PSG ayaa heshiis isku dhaafsaday Goolhayayaasha Keylor Navas & Alphonse Areola sidoo kale is dhaafsaday xiddigo kale oo badan.

Wargayska Marca Ayaa sheegaya in ay kooxda PSG doonayso in ay Real Madrid kula tartanto saxiixa xiddiga Haaland kaas oo awoodiisa muujiyay kaliya bilo kadib markii uu Dortmund ku soo biiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here