Real Madrid oo sare u qaaday dadaalka ay ku doonayso inay kula soo wareegto laacib ka ciyaara Premier League

0
596

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay miisaameyso inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Naadiga Leicester City, Wilfred Ndidi.

23-sano jirkaan ayaa markale qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Foxes intii lagu jiray xilli ciyaareedkan 2019-20, isagoo dhaliyey labo gool, isla markaana hal gool oo kale caawiye ka ahaa 29 kulan oo uu saftay tartammada oo dhan ah.

Manchester United iyo Arsenal ayaa labadaba loo maleynayaa inay xiiseynayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria, kaasoo qandaraas kula jira King Power Stadium ilaa xagaaga 2024.

Manchester United iyo Arsenal ayaa labadaba loo maleynayaa inay xiiseynayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria, kaasoo qandaraaska uu kula jiro kooxda ka dhisan King Power Stadium uu ku eg yahay ilaa xagaaga 2024-ka.

Si kastaba ha noqotee, sida uu warinayo Warsidaha Todofichajes kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa sidoo kale ugaarsi ugu jirta da’yarkii hore ee kooxda Genk, iyagoo indhaha ku haya inay keenaan xiddig khadka dhexe oo cusub garoonka Bernabeu.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in xiddiga khadka dhexe ee Foxes loo arko inuu yahay dooq kale oo furan marka loo eego da’yarka Rennes ee Eduardo Camavinga, iyadoo Los Blancos ay raadineyso bedelka suurtogalka ah ee Casemiro.

Ndidi ayaa 130 kulan u saftay kooxda Leicester City tan iyo markii uu ku soo biiray bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here