Real Madrid oo saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Espanyol oo ay booqatay

0
239

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Real Madrid ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Espanyol oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay1-3, ciyaar ka tirsaneyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Espanyol iyo Real Madrid ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 12-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Vinícius Júnior kaddib markii uu ka caawiyay Tchouameni.

Laakiin 43 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Espanyol ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay ciyaarta laacibkooda Joselu.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 88-aad Real Madrid ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-2 ka dhigay weeraryahankooda koowaad ee Benzema kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Rodrygo.

90 + 10 marka ay dheesha mareysay Benzema ayaa ciyaarta ka dhigay 1-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Real Madrid.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-3 ay kaga soo adkaatay Real Madrid kooxda Espanyol oo ay booqatay, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here