Real Madrid Oo Liverpool Ka Diiday Dalab Ay Ka Gudbisay Aurelien Tchouameni

0
87

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ku fashilantay dalab ay ku doonaysay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Aurelien Tchouameni sida ay sheegayaan wararku.

Liveprool ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister laakiin Reds ayaan halkaas ku joogsan waxana ay doonaysaa xiddigo kale oo khadka dhexe ah.

Klopp iyo Liverpool ayaa dalab 60 milyan oo euro ah ka gudbisay xiddiga kooxda Real Madrid ee Aurelien Tchouameni si ay u helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Laakiin Real Madrid ayaa isla markiiba diiday dalabka Liverpool iyada oo u sheegtay in uuna xiddigu iib ahayn inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Ancelotti ayaa xiddiga Aurelien Tchouameni u arka mid door weyn ka ah qorshihiisa kooxda Xilli ciyaareedka dambe mana doonayaan in ay iska iibiyaan xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here