Real Madrid Oo Ku Guuleysatay UEFA Super Cup

0
199

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku guuleystay UEFA Super Cup markii shanaad taariikhda, kaddib markii ay 2-0 ku garaacday kooxda reer Germany ee Eintracht Frankfurt, waxaanay la sinmeen AC Milan iyo Barcelona oo ahaa labada kooxood ee ugu guulaha badnaa koobkan.

Laba gool oo labadii qaybood ee ciyaarta ay kala dhaliyeen David Alaba iyo Karim Benzema ayaa Real Madrid ku hoggaamiyey guusha koobkan ay ku furteen xilli ciyaareedka, iyaga oo sii wata guulihii usoo bilowday xilli ciyaareedkii hore ee ay saddexda koob kusoo guuleysteen.

David Alaba ayaa daqiiqaddii 37aad hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisa Real Madrid kubbad uu ka helay goolka hortiisa oo uu madax ugu soo dhiibay Casemiro, taas oo uu si fudud lugta bidix ugu dhamaystiray, halka goolka labaadna uu darba xooggan oo bannaanka xerada ganaaxa ah ku dhamaystiray Karim Benzema oo daqiiqaddii 65aad u dabbaal-degay goolkiisa.

Ciyaartan oo ka hor intii aanay bilaabmin la guddoonsiiyey Benzema iyo Vinicius Junior abaal-marinta ciyaartoydii ugu wanaagsanaa Champions League xilli ciyaareedkii tegay, ayaa waxa qaybta hore si xooggan ku bilaabatay Eintracht Frankfurt oo laba kubbadood oo halis ahaa uu ka badbaadiyey Thibaut Courotois, hase yeeshee Vinicius Junior ayaa isagana uu goolhaye Trapp uu ka qabtay laba kubbadood oo halis ahaa, halka Karim Benzema uu isaguna birta  dhinac mariyey kubbad loo qaatay goolka, ka hor intii aanu Alaba dhalinin koowaad ee ciyaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here