Real Madrid oo heshiis cusub ka saxiixatay weeraryahanka reer France ee Karim Benzema

0
219

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema ayaa u saxiixay Real Madrid qandaraas cusub oo gaaraya ilaa iyo xagaaga 2023, taasoo kor u qaadeysa xasiloonida kooxda inta lagu jiro marxaladda soo socota.

Karim Benzema qandaraaskiisii ​​hore wuxuu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, sidaas darteed kooxda ayaa go’aansatay inay qandaraaska u cusbooneysiiso xilli ciyaareed kale, si loo hubiyo sii joogistiisa kooxda mudo labo sano ah.

Karim Benzema ayaa ogolaaday inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo hal sano oo kaliya, sida Luka Modric oo kale dhowr bilood kahor, maadaama siyaasada Real Madrid u dagan ay tahay in ciyaartoyda da’adooda ay dhaaftay 33 sano ay ka saxiixato qandaraas hal sano oo kaliya ah, taasoo Sergio Ramos uu diiday isla markaana sababtay inuu xagaagan ka tago kooxda.

Karim Benzema ayaa ah ciyaaryahanka ugu muhiimsan kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, sidaas darteed aad ayay muhiim u ahayd in la cusbooneysiiyo qandaraaskiisa xilli hore ee xilli ciyaareedkan ah, si looga fogaado inay dhacaan waxyaabo layaab leh bilaha ugu dambeeya qandaraaskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here