Real Madrid Oo Guul soo labasho ah ka gaartey PSG

0
232

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxaha Real Madrid iyo PSG ayaa garoonka San diego Bernabue ku wada ciyaarey kulan ku tirsan lugta labaad ee wareega 16aad ee Champions League kaa oo ahaa kulan aad u adag.

Kulankan ayaa lugtiisi hore waxaa ay ka dhacdey garoonka PSG halkaa oo ay gool iyo waxba guul ah ay ku soo gaartey kooxda PSG kadib markii uu daqiiqadihii ugu dambeyey gool u dhaliyey xiddigooda Mbappe.

Qeybtii hore ayaa waxaa ay labada kooxoodba ku bilowdeen dardar iyadoo ay mid walba ka go’neyd in ay natiijada dhinacooda ay soo aado, waxaana uu ahaa mid weerar iyo weerar joojin ku dhisan.

Real madrid waxaad moodaa in ay qeybtii hore ku soo xisaabtantey in ay iska ilaaliso in gool uu ka dhasho, laakin dadaal dheeri ah oo ay la timid kooxda PSG waxaa u suurta gashey in ay gool daba mariyaan shabaqa Real Madrid, waxaana ay ciyaartu noqotey gool iyo waxba daqiiqadii 39aad.

Qeybtii hore ayaa waxaa lagu kala maray gool iyo waxba oo ay ku hogaamineysey kooxda PSG.

Waxaa la isugu soo noqdey qeybtii labaad, doorkan Real Madrid waxaa ay ku soo talagashey in ay weerarkeeda xoojiso bedelkii ay xooga saari laheyd daafaca, taas oo keentey in ay dagaal adag ku soo qaadaan daafaca PSG.

Dhankeeda PSG ayaa iyaduna dadaalkeeda sii wadatey, walow loo diideey in ay fursado badan qeybtaan ay abuuraan, laakin kama aysan joojinin in dadaalkoodu uu sii socdo.

Nasiib wanaag Real Madrid dadaalkeedii mira ayuu keeney kadib markii gool ay heshey daqiiqadii 61aad, goolkaas oo uu qaladkeedu yeelanayo goolhayaha kooxda PSG Donaruma, waxaana gool u bedeley Karim Benzema.

Real dadaalkeeda ayeey sii wadatey waxaana ay si lamid ah mar kale gool heshey daqiiqadii 76aad mar kale Benzema ayaa shabaqa PSG soo taabtey, ciyaartana ka dhigey laba gool iyo gool oo ay Real Madrid ku hogaamineyso,

Baaskii goolkaasi labaad mar kale kubad kale ayeey fursad deg deg ah Real madrid heshey mar kale Benzema ayaa shabaqa soo taabtey halkaana seddexley ka dhigtey si lamid ahna goolasha kooxdiisa seddex gaarsiiyey.

PSG kadib goolaashaasi waxaa ku sii kordhey isku dhex yaaca waxaana ay u muuqdeen kuwa niyad jabey, dhankeeda Real Madrid carcarteeda ayeey sii laba jibaartey.

Ugu dambeyn daqiiqadihii loogu talagaley ciyaarta ayaa waxaa ay ku soo dhamaadeen seddex gool iyo gool oo ay guusha ku raacdey kooxda Real Madrid oo sidaasi isaga xaadirisey wareega 8 dhamaadka tartanka Champions League-ga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here