Real Madrid oo guul soo laabasho ah ka soo gaartay kooxda SD Huesca

0
352

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Real Madrid ayaa guul soo laabasho leh ka soo gaartay kooxda SD Huesca oo ay ku booqatay garoonka Estadio El Alcoraz, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey ku kala nasteen labada kooxood SD Huesca iyo Real Madrid barbardhac 0-0 h.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 48-aad kooxda SD Huesca ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay xiddigooda Javi Galan, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Shinji Okazaki.

55 daqiiqo marka ay ciyaartu mareysay kooxda Real Madrid ayaa la timid goolka barbardhaca, kaddib markii uu 1-1 ka dhigay daafacooda reer France ee Raphael Varane.

Daqiiqadii 84-aad Raphael Varane ayaa markaan hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Real Madrid, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-2 ay ku hoggaamineysay Los Blancos.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-2 oo ay Real Madrd kaga soo adkaatay kooxda SD Huesca oo ay ku booqatay garoonka Estadio El Alcoraz, Los Blancos ayaa hada ku jirta booska labaad ee kala sareynta horyaalka La Liga iyaga oo leh 43 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here