Real Madrid oo guul muhiim ah ka soo heshay Chelsea oo ay ku booqatay garoonka Stamford Bridge

0
227

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Real Madrid ayaa guul ka soo heshay kooxda Chelsea oo ay ku booqatay garoonka Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, kulanka lugta hore wareega siddeeda ee tartanka Champions League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Real Madrid.

Daqiiqadii 21-aad Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Karim Benzema kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Vinícius Jr.

24 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Karim Benzema oo markan caawin ka helay Luka Modrić ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Real Madrid.

Laakiin daqiiqadii 40-aad kooxda Chelsea ayaa dhalisay gool kaddib markii uu 1-2 ka dhigay laacibkooda K. Havertz, waxaana ka caawiyay xiddiga reer Talyaani ee Jorginho.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Karim Benzema ayaa daqiiqadii 46-aad dhaliyay goolkiisii saddexaad ee ciyaarta ahna goolkii saddexaad ee Real Madrid kaddib markii uu ka faa’ideystay qalad foolxun ay sameeyeen xiddigaha Chelsea, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-3.

Ugu dambeyntii kulankii lugta hore wareega siddeeda ee tartanka Champions League ayaa wuxuu ku soo idlaaday 1-3 ay kaga soo adkaatay Real Madrid, kooxda Chelsea oo ay booqatay garoonka Stamford Bridge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here