Real Madrid oo Dani Ceballos u dirtay kooxda Arsenal

0
289

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in xiddigeeda Dani Ceballos uu amaah ugu dhaqaaqay naadiga reer England ee Arsenal.

Dani Ceballos ayaa qaab amaah ahaan ugu soo ciyaaray Arsenal xilli ciyaareedkii hore, laakiin wuxuu dib ugu laabtay Real Madrid xagaagan.

Dani Ceballos ayaa soo laabashadiisa kaddib wuxuu ka qeyb qaatay cashiradii tababarka qaar uu bixiyay Zinedine Zidane, ka hor inta aysan kooxda go’aansan inay markale amaah ku siiso Gunners.

Kooxda Real Madrid ayaa war rasmi ah ay ka soo saartay heshiiskan waxay ku sheegtay:

“Real Madrid waxay ogolaatay in Dani Ceballos ay amaah ku siiso Arsenal hal xilli ciyaareed, taas oo ah, illa iyo 30-ka bisha June 2021”.

Si kastaba ha noqotee, Dani Ceballos ayaa ka qayb qaatay 37 kulan oo Arsenal ah tartamo kala duwan, wuxuuna bixiyay heerar aad u fiican, wuxuuna kula guuleystay koobka FA Cup-ka oo ay ka qaadeen kooxda ka dhisan Galbeedka London ee Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here