Real Madrid Oo Bar-Baro La Gashay Osasuna & Los Blancos Oo Hogaanka La Liga U Lumisay Barcelona.

0
169

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa si dhab ah u macasalaamaysay hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga oo ay si buuxda ula wareegtay Barcelona oo hore si ku-meelgaadh ah u haysay, kaddib markii Osasuna oo Real Madrid kusoo booqatay Santiago Bernabeu ay ku qabatay barbarro 1-1 ah.

Osasuna ayaa soo afjartay guulihii xidhiidhka ahaa ee Real Madrid ee xilli ciyaareedkan, iyadoo Karim Benzema uu khasaariyey rikoodhe loo dhigay dhamaadka ciyaarta oo ay toban daqiiqadood ka hadhsan yihiin, halka kooxda martiduna ay toban ciyaartoy ku dhamaysatay kulanka.

Los Blancos oo si weyn u tebaysay Luka Modric oo dhaawac kaga maqnaa ayay kubaddeedu ka liigaysay khadka dhexe oo uu ka maqnaa hal-abuurkii iyo firfircoonidii looga bartay, waxayse dhamaadka qaybta hore heleen gool uu u dhaliyey Vinicius Junior oo meel fog ka toogtay gool looga shakiyey offside balse ay VAR ansixisay.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Osasuna goolka lagala hormaray si degdeg ah iskaga soo bedday, waxaana u dahaliyey Kike oo xerada ganaaxa dhexdeeda ka helay kubbad ka timid Unai Garcia.

Karim Benzema ayaa kubbad loo qaatay gool khasaariyey ka hor intii aanu goolhaye Herrera isku duubin kubbad darbad uu ku toogtay Vinicius Junior.

Dhamaadka ciyaarta oo ay toban daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayaa Real Madrid loo dhigay rikoodhe kaddib markii uu David Garcia dhabarka ka riixay Benzema oo goolka hortiisa ku maamulay kubbad uu kaliya goolhayuhu ka xigay shabaqa shabaqa.

Xiddiga reer France ee Benzema ayaa kubadda soo qaatay iyadoo labadii rikoodhe ee ka horreeyey uu midna dhaliyey midna khasaariyey, waxaana uu darbad xooggan ku toogtay goolka uu waardiyeynayay Herrera, hase yeeshee birta ayay kaga dhacday dibedda ayaanay u baxday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here