Real Madrid Oo Badalka Dani Carvajal Ka Doonaysa Liverpool

0
8

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Real Madrid ayaa ka dhigtay daafaca midig ee Liverpool Trent Alexander-Arnold bartilmaameedkooda ‘mudnaanta’ suuqa kala iibsiga ka hor suuqa January sida ay wararku sheegayaan.

Kooxda reer Spain ayaa waayi doonta xiddiga Dani Carvajal inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib dhaawac halis ah oo soo gaadhay.

Madrid aya suuqa u gali doonta xiddig ka ciyaara daafaca Midig, wargayska The Athletic ayaa sheegaya in Alexander-Arnold noqday dookhooda 1-aad.

Sidoo kale Los Blancos ayaa doonaysa xiddiga kooxda Tottenham ee Pedro Porro iyo xiddiga kooxda Leverkusen ee Jeremie Frimpong.

Dhanka kale, Marca ayaa ku warameysa in Madrid ay tixgelin weyn siineyso saxiixa Alexander-Arnold bisha January iyadoo qandaraaskiisa Liverpool uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska Marca ayaa sheegaya in ay Liverpool qiranayso in ay luminayso Alexander-Arnold.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here