Real Madrid Oo Arsenal U Qabatay Wakhti Ay Go’aan Kaga Gaadho Mustaqbalka Pierre-Emerick Aubameyang

0
279

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Real Madrid ayaa go’aan muhiim ah ka gaadhay baacsigii ay ugu jirtay weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang sida ay sheegayaan wararku.

Heshiiska Pierre-Emerick Aubameyang ee kooxda Arsenal ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka 2021 waxana uu ilaa haatan diiday in uu kooxda heshiis cusub u saxiixo.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo ay ka mid yihiin Barcelona, Inter Milan, Real Madrid, Man United, Chelsea iyo kooxo kale oo badan.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Real Madrid Arsenal u qabatay wakhti ay ku kala cadayso mustaqbalka Pierre-Emerick Aubameyang iyo waliba in ay ogoshahay in ay iska iibiso xiddiga xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in wakhtiga ay Real Madrid u qabatay Arsenal yahay 15 bisha June ee soo socota.

Advertisements

Real Madrid ayaa doonaysa in ayna muddo dheer sugi karin oo ay doonayso in ay xiddiga ula soo saxiixato sida ugu deg-dega badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here