Real Madrid Mise Liverpool Paul Merson Oo Saadaaliyay Kulanka Champions League.

0
133

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Khabiirka Sky Sports Paul Merson ayaa dareensan in Liverpool aysan wax fursad ah u haysan In ay dhaafto Real Madrid kulanka lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League ee bartamaha todobaadka.

Los Blancos ayaa 5-2 ku garaacday Reds lugtii hore ee Anfield bishii hore, waxaana ay hal lug la gashay wareega 8 dhamaadka kadib guushii ay ka gaadhay Liverpool lugtii hore

Iyadoo la baabi’iyay sharciga ‘goolasha martida’, kooxda Jurgen Klopp waa inay ku badisaa lugta labaad ugu yaraan seddex isla markaas aan iyaga waxba laga dhalin laakiin Merson ayaa aaminsan in ayna taasi dhacayn.

“Liverpool waxa ay soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican kulankii Man United taariikhna way samaysay laakiin si fican umay ciyaarin kulankii Bournemouth”ayuu Merson yidhi.

“Marka aad daawato kulanka Bournemouth waxaad is odhanaysaa,fursadee ayay Liverpool ka helaysaa Real Madird? In aad u baahantahay 3 gool ugu yaraan iyo in aad shabaqaaga ka ilaashato, waa in ay noqoto mid ka mid ah soo laabashada ugu fiican ugu fiican ee taariikhda champions League, Barcelona ayaa ku samaysay PSG laakiin waxa ay ku ciyaarayeen garoonkoodii, laakiin haatan Liverpool waxa ay aadaysaa kooxda difaacanaysa tartanka, hadii ay laba gool ahaan lahayd wax walba way dhici lahaydn laakiin haatan 3 gool ayaa looga baahanyahay, wax fursad ah ma haystaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here