Real Madrid Iyo Levante Oo Bar-bar Dhac Wada Galay Waqtigii Geerida

0
213

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ka dib ciyaar qeybtii hore ay wacdaro dhigtay Real Madrid waxa ay Lavente kula hishiiyeen bar bar dhac min sedex gool ah

Sheekada qeybta hore : Real Madrid ayaa nasiinada ugu dirtay Levente hal gool oo nadiif ah xilli kooxda Ancelotti ay soo bandhigen ciyaar awood leh

Real waxa ay qeybtaas hore ku wacnaayeen isku balaarinta garoonka , raacashada iyo kubad soo cesashada , waxaana goolka  u dhaliyay Bale  daqiiqadii 5-aad

Kooxda Levante waxaa ku adkaa in kubadda horay u soo jiidaan xili Real nasiibka ka maqnaa marka la eego kubadaha ay ku laadayeen goosha Levante, waxaana qeybtaas wacdaro dhigay Isco oo aad u dadaalayay.

Qeybta labaad, is badel ayaa ka muuqday Levante waxa ayna durba heleen goolka bar bar dhaca daqiiqadii 46-aad

Levante aad ayay u wacnaayeen ka dib goolkaas waliba halis muuqata ayay sameeynayeen ilaa gool labaad ku heleen Real daqiiqadii 57-aad , waxa uuna Ancelotti ka dib sameeyay badel sedex ah iyadoo daqiiqadii 59-aad uu soo giliyay Assensio, Junior iyo Rodrygo .

Levante daafac ahaan waa ay wacnaayeen xlli Real ku adkeyd in ay helaan dal daloolo illaa ugu dambeyn ay  heleen kubad gadaal dambe laga soo dhisay waxana laba daafac ka farsameystay Junior daqiiqadii 73-aad

Levante halis ayay ahaayeen kulamaa goosha Real tagaan , waliba dhamaadkii dadaal ayay wadeen illaa gool sedexaad oo cajiib ah dhaliyaan daqiiqadii 79-aad , xilli ay mudnaayeen goolkaas sedexaad

Real dhamaadkii waa dagaalameen ciyaar weerar ah ayay soo bandhigeen illaa goolka sedexaad ee bar bar dhaca ay helaan waxaana daqiiqadii 85-aad u dhaliyay mar kale Junior oo badal ku soo galay kulankaas , waxa ayna ciyarata ku dhamaatay min sedex gool xilli kooxda Levante waqtiga geerida kaarka casaanka laga qaatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here